DHEGEYSO: Bajaajleeyda oo ashtako ka muujiyay arrin ay ku eedeeyeen shirkadda Hormuud

0

(Muqdisho) 27 Juun 2018 – Dhallinyarada Bajaajleeyda ayaa dhigay dibed bax ay kaga ashtakoonayaan sharikadda isgaarsiinta Hormuud oo ay sheegeen inay suuqa si ula kac ah ugu fellistey.

Bajaajleeyda oo mid mid u hadlaya ayaa sheegay inay ka xun yihiin in magaalada lasoo geliyay tagaasi iyo Bajaajyo dadka ku qaadaya kharash uga jaban midka ay iyagu ku shaqeeyaan, taasoo ay sheegeen inaan sidaa faa’iido looga helaynin, balse ujeedku yahay in iyaga la bara bixiyo.

Suuqyada Somalia ayaa lahayn xeerar kala xadaynaya ganacsatada dhexdooda, iyo xitaa ganacsatada iyo dadka ay wax ka iibiyaan, waxaan sidoo kale jirin xeerka xaddidaya badeecada iyo adeegga uu qofku ka ganacsan karo si aysan u dhicin in ay in yari faraha ku dhigto fursadaha jira ee ay awalba koobtay nidaam la’aantii muddada dheer dib u dhigtay dalka.

Cabashada dhallinyarada Bajaajleeyda ayaa isa soo tarayay sanadihii yaraa ee dambe, iyagoo marar badan ka sheegta tacaddiyo ay u gaystaan qolooyin hubaysan oo ama shakhsi gaar ah ilaalinaya amaba xitaa ciidamada dowladda.

Hadalsame Media

Facebook Comments