DAQAR DIBLOMAASIYADEED: Ururka IGAD oo Gabre ula dhaqmay sidii ”tuug”!!! (Maxaa dhacay?!!)

0

(Adis Ababa) 27 Juun 2018 – Ururka IGAD ayaa 25-kii bishan shaqadii uu ururkaa uga hayey Soomaaliya ka cayriyey Col. Gebregziabher Alemseged Abraha, oo caadiyan ku caan ah magaca Jeneraal Gabre.

Yeelkeede, marka la eego qaabka uu u qoran yahay warqadda lagu rukhseeyay waxaa ka muuqata in si ula kac ah loo bahdiley, warqadaha middood baa waxaa ku dhigan ”in aan la ixtiraami doonin wax kasta oo uu Gabre ku fuliyo magaca ururka IGAD”.

Warqadda kale waxaa ku qoran inuu soo celiyo ”wax kasta oo agab iyo xitaa alaabta xafiisyada ama guryaha ah ee gacantiisa ku jira” kaaga darane waxaa kusii qoran halka uu alaabtaasi kusoo sallimayo oo ah Waaxda Dhaqaalaha ugu qaybsan IGAD iyo weliba aminta ama saacadda laga soo doonayo inuu soo wareejiyo oo ku astaysan isla maalintii xilka laga qaaday.

Markii dhan kasta laga eego waxaa muuqanaysa in si kas ah loo bahdley Gabre, balse waxaan kala caddayn cidda tillaabadan qaadday, waloow loo badinayo inuu ka dambeeyo nidaamka cusub ee Itoobiya oo aysan isku fiicnayn Gabre oo arrintaa u maray IGAD oo ah urur ay saamayn badan ku leedahay Itoobiya.

 

Hadalsame Media