DAAWO: Dayuurado ka degayay Stockholm oo lagu arkay arrin naadir ah!!

0

(Stockholm) 27 Juun 2018 – Muuqaalkan xiisaha badan ayaa waxaa 14-kii Diseembar, 2016 qabtay oo kaydiyay, iyo 24-kii Febraayo 2018, balse haatan soo bandhigay maamulka garoonka caalamiga ah ee Stockholm Arlanda Airport, waxaana ka muuqda diilimo cad cad oo ka samaysmaya baalasha dayuuradda balse baaba’aya marka ay dayuuraddu degto.


Ifafaalahan oo loo yaqaanno Wake Vortices ama Wingtip Vortices, ayaa ah wax mararka qaar la arko marka ay dayuuraddu kacayso ama degeyso, waxayna ku xiran tahay qoyaanka hawada, biyo barafoobey ama dareere ah intaba, waxay sidoo kale ku xiran tahay culayska garabka dayuuradda, qaab dhismeedkiisa iyo qaabka ay u sameeyso hawada ku xeeran waxa loo yaqaanno aerodynamics.

Halkan ka DAAWO….

Hadalsame Media