WAA CUSUB: Ethiopia iyo Eritrea oo isa soo hor fariistay 20 sanno oo colaad ah kaddib + Sawirro

0

(Adis Ababa) 26 Juun 2018 – Dalalka Ethiopia iyo Eritrea ayaa qaadey tallaabo u muuqata inay soo af-jarayaan colaad ka dhex taagneed 20 sanno taasoo uu kaga daatey labada dalba dhiig badan, hanti badana ku waayeen.


Abiy Ahmed, Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa dhawaan ku dhawaaqay in dhulka xuduuda ah ee ay isku haysteen Ethiopia iyo Eritrea ay u ugolaa deen dalkas Eritrea iyadoo ciidamada Itoobiyana laga soo daad gurayn doono aagaga dagaalka, taasina waxay qeyb ka tahay heshiiskii labada dowladood ee Waramada Midoobey garwadeenka ka aheyd.

Mr. Abiy Ahmed oo tan intii uu xilka qabtay la soo baxay siyaasad furfuran oo ku wajahan guud ahaan gobolka ayaa soo dhaweeyey in wixii hadda ka danbeeya loo baahan yahay in la wanaajiyo xiriirka labada dawladood ee deriska ah.

Eritrea oo iyaduna ka jawaabeysay baaqay RW Itoobiya ayaa shaacisay in wefdi ay u diri doonto Itoobiya.

Haddaba waxaa maanta oo Salaaso ah Magaaladda Addis Ababa gaaray wafti uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Osman Saleh iyo La Taliyaha Madaxweynaha Eritrea Yemane Ghebreab.

Wefdigaan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ebole ku soo dhaweeyay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madax kale oo ka tirsan xukuumadiisa..

Wali si rasmi ah looma shaacin waxyaabaha dhinacyadaani ka wadahadli doonaan, hase ahaatee xeel-deerayaasha siyaasadda ayaa aaminsan in tani noqon karto waa cusub oo u baryey labada dal.

Hadalsame Media