WAR CUSUB: Jeneraal Gabre oo la sheegay in laga eryey xilkii uu IGAD uga hayay Somalia

0

(Adis Ababa) 25 Juun 2018 – Ururka IGAD ayaa maanta shaqadii uu ka hayey Soomaaliya ka cayriyey Col. Gebregziabher Alemseged Abraha, oo caadiyan ku caan ah magaca Jeneraal Gabre.

Warsidaha Hadalsame ayaa helay warqad la sheegay inay kasoo baxday urur goboleedka IGAD oo uu ku saxiixan yahay Xoghayaha Fulinta ururkaasi Maxbuub M Maalin, lamase hubo runnimadeeda.

Cayrinta Gabre ayaa la sheegayaa inay ku timi cadaadis ka yimi dhanka dowladda Somalia, iyadoo la sheegayo in madaxweyne Farmaajo uu arrintaa lasoo qaadat Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, isagoo Gabre ku eedeeyay inuu faragelin ku hayo arrimaha gudaha Soomaaliya.

Hadalsame Media