”Italia sawirka uun ka arka” – Talyaaniga oo 7 doonyood oo qaxooti sida ku amray inay dib ugu noqdaan Liibiya – Sawirro

0

(Roma) 25 Juun 2018 – Talyaaniga ayaa doonaya in Woqooyiga Afrika dib loogu celiyo 7 doonyood oo sida ilaa 1,000 qof oo muhaajiriin ah, sida uu sheegayo urur gargaar oo Spanish ah.

Proactiva Open Arms, oo kumanaan qof oo muhaajiriin ah kasoo badbaadisey Badda Dhexe ee Mediterranean-ka, ayaa sheegaya in maamulka Talyaanigu ay doonayaan in arrinta qaxootigan ka imanaya Afrika faraha looga qaado ilaalada xeebaha Liibiya.

Wasiirka Midigta Fog u janjeera ee arrimaha gudaha Talyaaniga Matteo Salvini ayaa isna Axaddii Twitter kusoo qoray: ‘Waa sax inay arrintan xalliyaan Libyan-ku, sidii ay maalmahanba yeelayeen, iyadoo aanay faragelin ama qasaynin NGO-yo.’

Warka wasiirka waxaa ka sii horreeyay mid uu isla Salvini ku diidey in ay dekedaha talyaaniga kusoo xirtaan 224 qof oo qaxooti ah, isagoo ku jeesjeesay inay ”Talyaaniga kaliya ka arki karaan sawirrada.’

Hadalsame Media