Ruush Su-57 vs Maraykan F-35: Dayuuraddee ADAG labadooda? + Sawirro

0

(London) 25 Juun 2018 – Dayuuradda jiilka 5-aad ee Ruush sameega ah ee Su-57 ayaa buska kaga tagtay dhiggeeda Maraykanku farsameeyo ee F-35 marka ay timaaddo wacdaraha dhanka hawada, sida uu qabo hilinka Military Watch.

 

Military Watch ayaa sheegaya in labada dayuurad dagaal ay aad u kala duwan yihiin. Tusaale ahaan Lockheed Martin ayaa samaysay F-35 oo ah dayuurad fudud oo uu bandhiggeedu yahay mid celcelis ah marka loo eego xitaa F-22 Raptor oo ay isla shirkaddaasi samaysay balse haatan la joojiyay.

Dhanka Su-57 si taa ka horjeedda waxaa loo naqshadeeyay inay hawada ku gacan sarreeyso, iyadoo ku wanaagsan gulufka cir-ka-cir, sida uu qabo Military Watch. Falanqaynta lagu sameeyay dayuuraddan ayaa lasii wadey iyadoo ay dayuuradda Sukhoi Su-57 ku fiican tahay dhanka xawaaraha, joogga ay duuli karto, dareemayaasha danabeed ee ku xiran (sensors), gantaalaha ay xambaari karto, fogaanta ay masaafo ahaan gaari karto iyo awooddeeda ciyaarsiinta hawada.

Hadalsame Media