Douglas Costa oo ay uga dhamaatay Koobka Adduunka!

0

(Moscow) 25 Juun 2018 – Douglas Costa ayay dhici kartaa inuu cag soo dhigi waayo ciyaaraha ka harsan Koobka Adduunka 2018, iyadoo la sheegayo in garabka Juventus uu garoomada ka maqnaan karo 3 todobaad.


ANSA oo soo xiganaysa saxaafadda Ruushka, ayaa qoraysa in laacibka reer Brazil uu dhaawac ka qabo muruqa cajirka, taasoo ciyaarahan ka saari karta inta ka harsan tartanka.

Laacibk ayaa la sheegay inuu dhaawucu soo gaarey ciyaartii uu gadaal kasoo galay ee ay 2-0 dhamaadkii uga badiyeen Costa Rica, isagoo dhaawacaasi qarsanayay intii ay ciyaartu socotey xitaa goolna u sallaxay Neymar.

Macallinka Selecao ee Tite ayaa xaqiijiyay in laacibkan 27-jirka ihi aanu kasoo muuqan karin ciyaarta ugu dambeeysay heerka guruubyada ee ay Arbacada la leeyihiin Serbia.

Hadalsame Media