Qaxooti Soomaali ah oo gobol laga nebcaa ka sameeyay arrin lagu jeclaaday!!

0

(Lewiston) 24 Juun 2018 – Sheekada qaxooti Soomaali ah oo ku biiray koox ay caddaanku u badan yihiin oo kubadda cagta u ciyaarta dugsi sare oo ku yaalla gobolka yar ee Maine ee dhaca woqooyi bari Maraykanka, ayaa noqotay mid aad loo hadal hayo.

Dhallinyaradan Soomaaliyeed ayaa kooxdaasi ka caawiyay inay hanato horyaalka maxalliga ah ee gobolka Maine, taasoo ay kooxdaasi ku mutaysatay inay barnaamij dokumenteri ah ka sameeyso Netflix.

Sida uu werinayo Portland Press Herald, Netflix ayaa dokumenteriga ka qalin daaranaysa buug la magac baxay ”hal yool” ama “One Goal,” kaasoo ka sheekeeynaya dhacdada 2015 laga diiwaan geliyay kooxda kubadda cagta ee dugsiga sare ee Lewiston High School. Buugga ayaa sawiraya sida ay kooxdaasi u noqotay awood midaysa bulshada ku nool magaalo yar oo wershadleey ah oo markii hore aad u diidanayd soo galootiga iyo qaxootigii cusbaa.

Qoraaga buugga oo ah Amy Bass oo ah barafasoorad taariikhda ku xeel dheer ayaa sheegtay in aanay ka dhignayn in sheekada buuggeeda laga dhigayo filim ama musalsal, balse ay ku faraxsan tahay xiisaha loo muujinayo.

Macallin xigeenka kooxdaa junyarka ah Dan Gish ayaa isna sheegay inay ciyaartooydu ku faani karaan in sheekadoodu ay keentay xiise heer qaran ah.

Hadalsame Media

Facebook Comments