MUQDISHO HABEEN & MAALIN: Muqdisho oo soo kabanaysa + Sawirro qurux badan

0

(Muqdisho) 24 Juun 2018 – Magaalada Muqdisho ayaa waloow ay caqabado badani haystaan misna sanadba midka xiga kasoo kabanaysa haaro qoto dheer oo ay ka qaadday dagaalkii sokeeye ee Somalia oo iyadu tahay magaalada uu ku yeeshay saamaynta ugu badan.


Muqdisho oo aan ku dhowaad nasanin 27-kii sanadood ee ay Somalia dhibaatadu ka taagnayd ayaa tan iyo 2011-kii samaynaysay soo kabasho ugu yaraan dhanka dhismayaasha magaalada ah.

Waxaa weli maqan adeegyo badan oo ay u baahan yihiin shacabka Muqdisho sida koronto, biyo iyo internet rakhiis ah, adeegyada caafimaadka, waxbarashada, amaanka iwm oo wax laga qabto, balse Muqdisho way soo kabanaysaa kana soo raynaysaa maalinba midda xigta.

La soco qayb kale oo ku saabsan horumarka dalka, Insha ALLE.

Hadalsame Media