Keli-taliye danta dalkiisa ka shaqeeynaya & la doorte dabayl raac ah ayamaa daran?

0

(Hargaysa) 24 Juun 2018 – Keli-taliyaha waxqabadka iyo mabda’a leh ee yaqaanna habka ay dadkiisu u nool yihiin iyo xagga ay dantoodu ku jirto, iyo habaqlaha ku yimid doorashada dadka ee dabaylraaca ah ee hadba halka shilin yar looga bidhaamiyo u orda waa iyama?

Adduunka waxaa jira keli-taliye dadkiisa u xoog weyn oo shisheeyuhu adeegsado (t.a: Siisi oo kale) iyo mid kaa ka dhaqan fog oo siyaasayaddiisu liddi ku tahay danaysiga reer Galbeed ee dhinaca ka raran ama ciddii kale ee dalkiisa iyo dadkiisa wax u dhimaysa.

Ka danbe haddii uu adduunka ka helo cid uu dalkiisu siyaasad ahaan iyo ganacsi ahaan la shaqaysan karo (taas oo xirfaddiisa iyo kartidiisa ku xidhan) wuxuu ka fiican yahay mid kasta oo magacuyaal ah oo doorasho ama wax la mid ah ku yimid, balse aan dadnimo iyo karti kale lahayn.

Qore: Cabdiraxmaan Yuusuf

Hadalsame Media