Itoobiya: Sagaal ruux oo loo xirey qaraxii ka dhacay Addis Ababa.

0

(Muqdisho) 24 Juun 2018 – Khasaareha ka dhashay weerarkaan ayaa gaaray hal ruux oo dhimasho ah iyo dhaawaca 165 ruux sida lagu daabacay wargeyska Africa Times oo soo xiganayey Saraakiisha ammaanka ee Itoobiya.

Madaxda dowladda Itoobiya oo qaraxaan si aad ah u cambaareeyey ayaa sheegay inay socdaan baaritaano xoog leh oo la doonayo in lagu ka shifo ciddii soo abaabushey weerarkaan kaasoo wal-wal badan ka dhex abuurey shucuubta dalkaasi.

Weerarkaan ayaa ka dhacay fagaaraha Meskel Square ee bartamaha Addis Ababa halkaas oo shalay oo sabti aheyd uu khudbad ka jeedinayey Ra’iisal Wasaareha Itoobiya Abiy Axmed

Xukuumadda ayaa sheegtay in falkaani ay u qaadanayaan isku day dil oo la doonayey in lagu qaarajiyo Ra’isal Wasaaraha sida ay qortay Jariirada la yiraahdo Addis Standard. Dadka xabsiga la dhigay waxaa ka mid ah taliye kuxigeenkii Boliiska Girma Kassa kaa oo shaqada laga eryey isla shalay.

Mr. Abiy Ahmed ayaa isbitaalada ku booqdey dadkii waxyeeladdu soo gaartey waxaana uu balan qaaday in cadaaladda la horkeeni doono kuwii ka danbeeyey weerarka.

Hadalsame Media