Dowladda Dhexe & Maamul Goboleedyada midkoodna waxba kuma KABO adeegga dadwaynaha haddana….

0

(Muqdisho) 24 Juun 2018 – Soomaalidu nolol ahaan iyo dhaqaale ahaan adduunka safka hore ayay ka galaysaa, daliilkayguna waa kanaa:

 

1. Kharashka canjeerada iyo rootiga dowladda ama maamulladu ma kabaan.
2. Kharashka shidaalka dowladda ama maamulladu ma kabaaan.
3. Kharasha korantada dowladda ama maamulladu ma kabaan.
4. Kharashka gaadiidka la raaco dowladda ama maamulladu ma kabaan.
5. Kharashka waxbarashada dowladda ama maamulladu ma kabaan.
6. Kharashkaa caafimaadka dowladda ama maamulladu ma kabaan.
7. Kharashka hawlgabnimada dowladda ama maamulladu ma kabaan.
8. Internet-ka, isgaarsiinta, beeraha, xoolaha, guud ahaan wax soo saarka dowladdu ama maamulladu ma kabaan.

Dowladaha qaar waad aragtay haddii meel kamid ah nolosha ay dowladdu damacdo in ka yarayso ama ka jarto kabkii in la rido ayay qarka u gaaraysaa.

Innagu nolosheenna oo dhan innaga ayaa wadanna innaaga oo aan cidna kabid ka helin, sidaa darteed billow fiican oo xagga dhaqaalaha ah ayay dadkeennu haystaan.

Ka warrama haddii dowladnimadeenna aan ku dul dhisno waxa aan haysanno oo ah in dowladdu aysan qaadanin canshuur ka badan inta hadda ay qaadato waajibaad dheeraad aan la saarin?

Qore: Dr Maxamuud Xasan Nuur

Hadalsame Media