DAAWO: Xoghayaha Warfaafinta Aqalka Cad oo laga cayriyay makhaayad ay ka cuntaynaysay!! (Wasiir kale oo lagu orriyay!)

0

(Lexington) 24 Juun 2018 – Xoghayaha Warfaafinta ugu qaybsan Aqalka Cad ee Maraykanka, Sarah Sanders ayaa sheegtay in laga soo eryey makhaayad ku taalla Virginia iyadoo eersatay inay u shaqeeyso Donald Trump. Halkan ka DAAWO…

“Xalaytoole milkiilaha Red Hen oo ku taalla Lexington, VA ayaa igu tiri ka tag meesha, maxaa yeelay waxaan u shaqeeyaa @POTUS (waa erayo laga soo gaabiyo Madaxwaynaha Maraykanka) si asluubaysan baana u tegey,” ayay Sanders kusoo qortay Twitter-ka.

“Falkaa ay samaysay wuxuu wax badan ka sheegayaa iyada in ka badan inta uu aniga iga bi’iyay,” ayay raacisay Sanders oo ku dartay. “Had iyo goor waxaan ku dadaalaa inaan dadka, oo ay ku jiraan kuwa aan igu fikirka ahayn, ula dhaqmo si xushmadi ku jirto, waana sii wadayaa middaas.”

Milkiilaha makhaayadda la eedeeyay Stephanie Wilkinson oo la hadashay The Washington Post ayaa carrabka ku adkaysay in ay “markale sidaas oo kale yeeli doonto.”

“Waxaan u sharraxay in makhaayaddu leedahay nidaam iyo heer lagu halbeego daacadnimo, dulqaad, damqasho iyo iskaashi, waana inaan ilaalinnaa,” ayay tiri Wilkinson oo warsidaha u sheegtay inay Sanders ku tiri erayadan. “Waxaan ku waydiisan lahaa inaad iska tagto.'”

Sanders aabaheed, oo ah barasaabkii hore ee gobolka Arkansas, Bar. Mike Huckabee, ayaa arrintaa ku tilmaamay “Isla waynin” isagoo adeeganaya Twitter.

Arrintan ayaa waxaa ka horreeysey dhacdo lagu orriyay madaxa waaxda Amaanka Qaranka Maraykanka Kirstjen Nielsen mar ay ka cashaynaysay makhaayad ay Mexican-ku ku leeyihiin Washington, DC, sidoo kale Steve Miller ayay sidoo kale ku dhacday, taasoo ka dhigan in dadka la shaqeeya Trump aad loo colaadinayo.

Hadalsame Media