Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ka badbaaday qarax ka dhacay Addis Ababa.

0

(Muqdisho) 23 Juun 2018 – Sida ay sheegayaan warbaahinta gudaha Itoobiya saaka oo sabti ah waxaa qarax ka dhacay goob dad badan ay isugu soo baxeen oo ku taala bartamaha Magaaladda Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya islamarkaana ah xarunta Midawga Afrika.

Kumanaan ruux ayaa ku sugnaa goobta qaraxu ka dhacay waxaana xiligaas halkaas dadka kula hadlayey Ra’iisal Wasaareha Itoobiya Abiy Ahmed.

Khudbada Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku saabsaneed dadaalada uu ugu jiro in dhaqaalaha dalkaasi uu kor ugu qaado iyo Siyaasadiisa oo loo arko xilligaan mid fur furan.

Warbaahinta gudaha Itoobiya ayaa ku si feeyey qaraxan mid lagu carqaladeynaayay khudbadda Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed.

Ugu Yaraan 10 ruux ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxan oo aysan illaa hadda jirin cid sheegatay Masuuliyaddiisa.

Waxyar kadib markii qaraxu dhacay ayaa RW Abiy Ahmed oo dadka kala hadlayey Telefishinka waxa uu sheegay in tiro dad ah oo uusan cayimin ay ku dhinteen weerarkaan, isagoona tacsi u diray qoysaska dadkii waxyeeladu soo gaartey. Dadka isugu soo baxay faraha ayaa ku qeylinayey “Hal Jacayl, Hal Itoobiya” iyo waliba sidoo kale hal ku dhigyo kale oo ay taageero ugu muujinayeen isbedelada uu sameynayo RW Ahmed

Ra’iisal Wasaaraha ayaa durbadiiba ciidanka ammaanku kala carareen goobta isagoo bad-qaba.

Mr. Abiy Ahmed ayaa dhawaan ku sameeyey isbedelo cusub hoggaanka ciidamada qalabka sida ee dalka Itoobiya gaar ahaan Hay’adda sirdoonka qaranka iyo militariga isagoona magacaabey saraakiil cusub.

Hadalsame Media