Magaalada Gaalkacyo oo ku kala qaybsantay isticmaalka Shillin Soomaaliga!!

0

(Gaalkacyo) 23 Juunyo 2018. Magaaladda Gaalkacyo ayaa sida lasoo werinayo ku kala qaybsantay isticmaalka lacagaha Shilinka Soomaaliga ah, iyadoo qayb laga diidayo halka dhinaca kale laga ogol yahay.

Koofurta Gaalkacyo oo hoostimaada Galmudug ayaa ganacsatadu waxa ay diideen in wax looga iibsado, halka Waqooyiga Gaalkacyo oo Puntland ah ay lacagtaasi ka shaqaynayso.

Lama ogo sababta dhabta ah ee ka dambaysa arintaan, waxaana durba cabasho xooggan ay ka soo yeeraysaa dadka ku sugan Koofurta Gaalkacyo.

Burhaan C/aalhi Xaashi oo ah wariye ku sugan Gaalkacyo ayaa inoo sheegay in Gaalkacyo ay u kala qaybsantay isticmaalka lacagaha Shillinka Soomaaliga ah.

Hadalsame Media