RIKOODH CUSUB: Croatia oo Argentina ku dhigtay wax aysan abid ku samaynin koox Latin American ah + Sawirro

0

(Novgorod) 21 Juun 2018 – Xulka Argentina ayaa qarka u saaran inuu qaab bahdilan uga boxo KA2018 kaddib markii ay fiidkan ku tumatay kooxda Croatia oo 3-0 dirtay.


Xulka Balkan-ka ayaa waxaa goolka 1-aad u sallaxay isla goolwaha Albiceleste ee Caballero taasoo uu ka duceeyay Ante Rebic, kaasoo kubad raacis ah oo qurux badan shabaqa ku hubsaday, kahor inta aanay Luka Modric iyo Ivan Rakitic labada kale ugu darin 80-aad iyo 90-aad.

Yeelkeede, guuldarrada waxaa ka daran dhacdo ugub ah oo kulankan ka dhacday, taasoo ah Croatia oo markii ugu horreeysey taariikhda Koobka Adduunka ka badisay dal Latin American ah, waayo afartii jeer oo ay horay ugula soo kulmeen Koobka Adduunka kooxo ka dhisan Latin America waa laga wada badiyay.

Hadalsame Media