MUUQAAL & SAWIRRO: Warkii sheegayay in xafladdii Khayrre loo diidey calanka Somalia oo qayb ahaan beenoowdey!

0

(Oslo) 21 Juun 2018 – Waxaa xalaytoole magaalada Oslo ee caasimadda Norway ka dhacday xaflad lagu casuumey Wasiirka Koowaad ee Somalia.

Yeelkeede, waxaa xafladdaasi naga soo gaarayay war ay nasoo gaarsiiyeen ka qayb galayaal meesha joogey oo ku aaddanaa in calanka Somalia loo diidey xafladdaasi, in heesta qaranka la diidey iyo xitaa in banaanka loo saaray TV-ga ku hadla codka dowladda ee SNTV.

Si kastaba, dad ka tirsan qaban qaabiyayaasha ayaa Hadalsame u sheegay inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya in la diidey astaamaha qaranka Somalia, iyagoo soo gudbiyay muuqaallo iyo sawirro muujinaya calanka oo dhex yaalla madashii shirku xalay ka dhacay.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA….

Hadalsame Media