DAAWO: Taageerayaasha Senegal & Japan oo arrin aad loogu amaanay ka sameeyay KA2018

0

(Moscow) 21 Juun 2018 – Laacibiinta xulka Senegal ayaa noqday dalka qura ee Afrikaan ah ee ilaa haatan lib ka keenay Koobka Adduunka, waloow ay cunsuriyad nacasnimo ah kala kulmeen Lord Alan Suger.

Yeelkeede, kaddib markii ay 2-1 direen dalka Poland, Senegal waxay samaysay arrin kale oo ay sacab ku mutaysatay.

Taageerayaasha xulka Senegal ayaa la arkayay iyagoo ururinaya qashinkii ka yimid waxyaabihii ay isticmaaleen intii ay ciyaarta daawanayeen, qof baa xitaa Intercom kusoo qoray: “Eeg sida ay cajiib u yihiin …”

Waxaa sidaas oo kale sameeyay taageerayaasha Japan oo iyaguna nadiifiyay qaybtii uu ka fadhiyay garoonkii ay kula dheelayeen xulka Colombia ee Mordovia Arena.

Hadalsame Media