DAAWO: BEER WAX DHALAY….Oday dab u dhex galay si uu u badbaadiyo wiilkiisa oo ku jira gaari holcaya!!

0

(Boston) 21 Juun 2018 – Muuqaal naxdin leh oo laga soo qabtay dhacdo qabsatay darawal ka qayb gelayay tartanka ay qabato NASCAR ayaa muujinaya baabuur nooca orodada ah oo uu dab aad u xooggani mar qura qabsaday kaddib markii uu gidaar hertiyay.


Ha yeeshee, gaariga oo ka qayb gelayay tartanka South Boston Speedway, ayaa sida muuqata waxaa darawalka u suurageli wayday inuu markiiba ka baxo gaariga oo aad u holcayay.

Waxaase markiiba horay ka boodey oo is hayn kari waayay aabaha darawalka ku dhex jira gaariga oo ka mid ah agaasimayaasha dhanka farsamo ee tartanka laguna magacaabo Dean Jones, kaasoo ku guulaystey inuu wiilkiisa ka badbaadiyo dabka gaariga oo aad u qaxayay kahor inta aanu dab damisku imanin.

Hadalsame Media