Ronaldo oo qalanjada Georgina Rodriguez ka jeediyay xulkeeda Argentina + Sawirro

0

(Moscow) 20 Juun 2018 – Cristiano Ronaldo ayaa wacdaro dhigaya tan iyo bilowgii KA2018 oo xagaagan si habsami leh uga soconaya dalkaasi Ruushka, waxaana daawatada galabta ka mid ahayd gabadha ay isku cindan yihiin ee Georgina Rodriguez oo goob joog ka ahayd ciyaartii ay Portugal 1-0 uga adkaatay Morocco.

 

Rodriguez ayaa iyadoo faraxsan tarabuunka ka bood boodaysay markii uu goolka guusha oo kiisii 4-aad ahaa galabta dhaliyay Ronie oo Moscow ku qaabiley Morocco oo ay isku arkeen Luzhniki Stadium.

Rodriguez, oo ciyaartu sidii ay jeclayd ugu dhamaatay ayaa la arkayay iyadoo xiran funaanadda Portugal tiiyoo ay jirto inay u dhalatay Argentina.

Hadalsame Media