Mucaaradad been ku dhisan DOWLAD ma lugu sixi karaa?

0

(Muqdisho) 20 Juun 2018 – Dal kastaa wuxuu leeyahay mucaarad iyo muxaafid iskaga soo hor jeestaan siyaasadda dalkooda lagu hago, lakiin waxay ka mideeysan yihiin dhowrista madax-banaanida dalkooda. Hadaba kuwa iskugu yeero mucaarid ee ka jira dalka Soomaaliya maanta ma yihiin kuwa la aamini karo?

Maxaan sidaasi u leeyahay?

1- mucaaradka waxay ku doodayeen bil ka hor in dowladda ay joojisay dacwadii muranka bada ee u dhaxeeyay Somaliya iyo Kenya, maantana waxay dowladda Soomaaliya ay u gudbisay dacwadii si ay dowladda Kenya uga soo jawaabto December 2018 Lana furo maxkamada 2019 sida uu qabay sharciga aduunka.

2- Waxay maanta sheegayaan in heshiis uu dhex maray labada dowladood Somalia iyo Ethiopia, kaguna wareejiyay inay bada Soomaaliya ay qaataan anagoo og waxa laga wada hadlay aysan ahayn heshiis uu yahay is af garad MOU, tasoo qodobka ugu horeeyo uu sheegaayo in labada dowladadood ay isla garteen in la dhoowro madax- banaanidda dalkasta sida ku cad warqadii is afgaradka loona saari doono technical committee.

Hadaba arimahaan oo dhan markaan aragno ma dhici kartaa inay adagtay in la aamino mucaaradka? Dabcan aniga waxaan taageersanahay xoojinta nidaamka dowladnimo ee dalkeena Soomaaliya, waxaan kaloo aaminsanahay in loo baahan yahay mucaarad wax saxa, lakiin mucaaradnimadda ma aha been sheegid oo lagu jahwareerinaayo shacabka, hadeeysan mucaaradka iska deeynin hadaladda aan sal iyo raad-raac lahyn sidee baa barito loogu aamini karaa masiirka dalka Soomaaliya?

Somaalida waxay ku maahmaahdaa beentaada hore runtaada dambe bay u Baas tahay, bal maxay noo sheegi doonaan hadda?

Qore: Sheekh Nuur A Qaasim

FG: Maqaal kastaahi wuxuu ka turjumayaa ra’yiga qoraaga ku saxiixan oo qura.

Hadalsame Media