“Marna CASHO ha u tegin guriga Ronaldo!!” – Evra

0

(Marseille) 20 Juun 2018 – Markii ay Manchester United wada joogeen, Patrice Evra iyo Cristiano Ronaldo waxay wada qaateen waqtiyo badan, gudaha iyo dibedda garoonka, waxaana iminka soo baxday sheeko maad leh oo xiise badan oo uu ninka French-ga ihi uga sheekeeyay ITC Sport.


Waxaannu wada ognahay sida uu shaqo yahan u yahay CR7, balse tani mar 2-aad ayaa taa xaqiijinaysaa: “Ronaldo wuxuu ciyaarta kubadda miiska ee Ping Pong la dheelayay Rio Ferdinad waana laga badiyay Ronaldo. Waxaan bilwonay inaan ku camiranno, waxaana dareennay inuu arrintaa ka caroodey. Kaddib wuxuu diray wiil ay qaraabo yihiin si uu usoo iibiyo miiska lagu dheelo teeniska miiska, laba todobaad ayuu tababaranayay, kaddibna wuxuu u bayay Rio wuuna ka badiyay annagoo wada arkayna. Kaasi waa Cristiano Ronaldo, ama mashiin dheh, mana iga yaabinayo marka aan arko sida uu u doonayo inuu marar badan oo kale ku guulaysto Ballon d’Or iyo Xidigga Adduunka… “. ayuu yiri Evra.

Sheeko kale oo qosol badani waxay markale Evra ku qabsatay aqalka CR7: “Qof kasta waan la talinaaaye: Haddii Ronaldo casho kugu casuumo, maya dheh. Mar baan la joogey, waxay ahayd mar aannu tababar ka nimid oo aan daallanayn. Wuxuu miiska soo dhigay digaag bis, salad iyo biyo caadi ah. Waxaan is lahaa wax kale ayaa soo socda, balse waxba ma imanin…..Isla markii aan cuntadii dhamaysannay kubad buu lasoo baxay oo ciyaar buu bilaabay. Wuxuu i waydiiyay inaan gooysmo sameeyo, kaddibna waa dabaalannay. Waxaan is waydiiyay meesha ma tababar baan u nimid mise casho…..Waana taa sababta aan kuugu sheegayo: Waa mashiin aan marnaba istaagin“. ayuu yiri isagoo yaabban.

Hadalsame Media