IRAN VS SPAIN 0-1: Spain oo Iiraan nasiib uga baxsatay + Sawirro

0

(Kazan Arena) 20 Juun 2018 – Hoggaamiyayaashii yaabka lahaa ee Guruubka B ee Iiraan ayaa haatan hoos ugu dhacay booska 3-aad kaddib markii ay 1-0 uga badiyeen Spain.

Kooxda kabahii loo diidey ee Carlos Quieroz ayaa kulankii hore 1-0 iska dhali ah uga soo badiyay xulka Marocco oo guuldarro labaad maanta la laqsiiyay, waxayna rajaynayeen inay ugu yaraan barbarro ka helaan Spain.

Yeelkeede, Spain oo wacdaro dhigtay ciyaartii Portugal waloow ay xakamayn wayday xariifnimada Ronaldo ayaa gaartey guul muhim ah iyadoo uu gool nasiib loo arki karo u dhaliyay Diego Costa oo hadda ah dhaliyaha ay ku tashadaan, isagoo wada dhaliyay dhamaanba 3-dii toog ee uu ku ridey goolka 2-dii kulan ee uu ciyaaray.

Iiraan ayaa lafteedu gool ay aad ugu dabbaal degtey dhalisay, balse waxaa uga dhaartay muuqaalka garsooraha caawiya ee VAR.

Hadalsame Media