DAGAALKII XIDDIGAHA: Maraykanka oo samaysanaya ciidamo ka dagaallama HAWADA SARE (Daawo)

0
(Washington DC) 19 Juun 2018 – Madaxda Maraykanka ee Donald Trump ayaa Waaxda Difaaca Maraykanka ee Pentagon amar ku siiyay inay hirgeliso Laanta 6-aad ee ay yeelanayaan ciidamada qalabka sida ee Maraykanka oo noqonaya kuwa Hawada Sare, taasoo ka dhigan inuu durba bilowday Dagaalkii Xiddiguhu. Halkan ka DAAWO…

“Ma jirto meel ka mid ah Hawada Sare,” ayuu yiri Trump oo mar aan sidaa u fogayn u khudbeeynayay Golaha Qaranka ee Hawada Sare ee Washington. Wuxuu ku dhawaaqay dhowr mubaadaro oo ay ku jirto in “in joogto loogu sugnaado” Hawada Sare, waxa ugu waynina waa in la hirgeliyo ciidamo ka dagaallama Hawada Sare si ay uga howlgalaan wax uu ku tibaaxay “cirarka aan la ogolayn.”

Trump ayaa ku faanay in Maraykanku ay “ugu horreeyeen u duulista bisha,” isla markaana ay “ay abid iyagu ugu horreeynayaan HAWADA SARE.”

Yeelkeede, ma cadda waxa uu ka yeelayo in Satelite-kii ugu horreeyay ee Hawada heehaaba uu ahaa (Sputnik), xayawaankii ugu horreeyay ee kusoo wareega Hawada Sare (Laika), ninkii ugu horreeyay ee kusoo wareega Hawada Sare (Yuri Gagarin), ninkii ugu horreeyay ee ku socday Hawada Sare (Alexey Leonov) haweenaydii ugu horreeysey ee kusoo wareegta Hawada Sare (Valentina Tereshkova), ay wada Ruush ahaayeen.

Hadalsame Media