Itoobiya oo mashaqo dhaqaale dhex muquuranaysa ayaa na maal gelinaysa??

0

(Muqdisho) 19 Juun 2018Cidna ka daadegi mayso waxaa dekedehaaga hormarinaya dal maanta oo uu meeshii uu abid ugu roonaa joogaa bilyan doollar oo yaboohsi ah uga baahan Imaaraad si uu dhaqaalihiisu u shaqeeyo oo uu Bankigiisa Dhexe ee kaash la’aanta ihi kaash iyo lacag uu ku dhaqdhaaqo u helo.

Sidoo kale, QOFNA iibsan maayo Itoobiya oo aan xal u helin xiisadda isirka ku salaysan ee ka dhex taagan, faqriga qaan gaarey ee ay weli la daalaa dhacayso iyo qaamaha tirada badan ee caalamku ku leeyahay, ayaa $Balaayiin doollar ku maalgelinaysa Somalia.
Adigu is wayddiiye – Halkee lacagtaasi ka imanaysaa? Ma inta dal kale amaah kasoo qaadato ayay waxaaga kugula yeelanaysaa? Runtii?

Waxay yiraahdeen waxaan dhisaynaa Ciidamo Badeed oo aad u ballaaran ama ugu xooggan AFRIKA. Halkee degayaan, yaase bixinaya biilkooda? Tiisa kalkaale soow tu kale kuma dareen?

Midda ugu muhiimsan ee ay tahay inay Soomaaliyi ogaato waxay tahay in inta adigu waxba qabsan wayday aad dal aad 500 sano xafiiltamayseen ka rajayso inuu naq ku dejinayo, taasi uma eka mid u dhici doonta sida ay u dhigayaan dadka aan eegaynin sadarrada dhexdooda.
Hadalsame Media