LA YAAB: Wasiirka Amaanka Britain oo amaankiisu halis galay!

0

(London) 18 Juun 2018 – Sajid Javid oo ah xoghayaha xafiiska arimaha gudaha UK oo ah xafiiska ay hoos yimaadaan laamaha amniga ayaa sheegay in tuugo ay dhacday.

Mr Sajid ayaa sheegay in taleefanka uu la soo baxay si uu Taxi u wacdo banaanka hore maxado tareemada laga raaco oo la yiraahdo Euston taas oo ku taala waqooyiga London.

Waxaa uu sheegay in tuugo mooto wadata ay u soo dhawaadeen kadibna uu arkay taleefanka oo gacantiisa ka maqan Mr Sajid waxa uu tilmaamay in uu hada ka shaqeynayo sidii booliiska loo siin lahaa awood dheeri ah si ay u cayrsadaan kuwa alaabaha dafa.

Waxaa la yaab ah in Wasiirka Arrimaha Gudaha Britain ay shaqooyinkiisa ugu waawayn ka mid tahay sugitaanka amaanka gudaha dalka Britain

MM Dhore

 

Hadalsame Media

Facebook Comments