Arrin kusoo korortay taalladii Ronaldo looga taagey garoonka dayuuradaha Madeira!!

0

(Madeira) 18 Juun 2018 – Taalladii lagu maamuusayay Cristiano Ronaldo ee la dhigay garoonka dayuuradda gasiiradda Madeira Islands oo uu yahay qofka ugu caansan, ayaa meeshii laga waayay.


Jeer ay indhaha jamaahiirta kubadda cagtu ku jeedaan KA2018 oo Ruushka ka soconaya, ayaa waxaa la isku dayey in laga faa’iidaysto fursaddaasi si mid cusub loogu beddelo taalladii hore ee arbaha Real Madrid iyo Portugal.

Yeelkeede, markii la qaaday taalladii halkaa la dhigay sanadkii tegey ee la keenay midda cusub oo uu sameeyay farshaxanka Emanuel Santos waxaa caddaatay inaysan shuqul isku lahayn labada taallo.


Hadalsame Media