WAR CUSUB: Ciidda wax lagu dhiso oo dunida kusii yaraanaysa! (Somalia maku baraarugsan tahay?)

0

(California) 17 Juun 2018 – Waxaa lasoo werinayaa inay carradu kusii yaraanayso taasoo durba keentay inay kacaan qolooyin qoowlaysato ah oo suuq madoow ku iibiya ciidda wax lagu dhiso iyagoo kasoo xadaya xeebaha iyo webiyada.

Saynisyahannada ayaa durba ka digaya in carrada wax lagu dhiso ee loo yaqaanno Carra Maanyada oo ah khayraad dabiici ihi ay faraha kasii baxayso, iyadoo tirakoob haatan la sameeyay uu muujinayo in sanad kasta la isticmaalo 50 bilyan oo tan oo ciid ah, taasoo laba jeer ka badan inta sanadkii kasoo baxda webi kasta oo dunida ku yaalla.

Sida uu qabo weriyaha iyo qoraaga Vince Beiser oo daabacay buug uu cinwaan uga dhigay, “Sand is the essential ingredient that makes modern life possible. And we are starting to run out.” oo la hadlayay Business Insider, waxaa kordhaya xajmiga magaalooyinka, gaar ahaan dunida soo koreeysa.

Wuxuu sheegay in sanad kasta ay sii kordhayaan tirada dadka dunida ku nool, weliba badankooduna ay magaalooyinka u guurayaan. Tusaale ahaan, 1950-kii waxaa magaalooyinka deganaa 746 milyan, balse maanta waxaa deggan 3.9 bilyan oo qof.

Baahida ciidda dhismaha ayaa sanadka soo aaddan kordhi doonta 5.2% iyadoo noqon doonta 51.7 bilyan oo tan sanadka 2019, sida ay qabaan cilmi baarayaasha Freedonia Group. Iibka ciidda dhismaha kaliya ayaa sanadkii iminka mareeysa $70 bilyan oo doollar.

Celcelis ahaan 90% xeebaha adduunka ayaa la sheegayaa inay shiiqeen 40 mitir tan iyo 2008, iyadoo ay xeebaha qaar bilaabeen inay dhulka goglaan ciid ay soo iibsadeen, halka xeebaha qaar ciiddu ku yaraan doonto ama ka dhamaan doonto sida kuwa California sanadda 2100.

China ayaa ciidda uu wax ku dhisay sanadihii yaraa ee dambe waxay ka badan tahay midda uu Maraykanku isticmaalay dhamaanba qarnigii 20-aad, halka Hindiya haatan sida ay ciidda dhismuhu muhim u tahay ay keentay inay iibkeeda ku lug yeeshaan kooxaha fuliya dembiyada abaabulan.

Kooxahan oo ciiddan suuqa madoow ku iibiya ayaa la baxay magaca Sand Mafiya ama Tuugadii Ciidda, waxayna howl geliyaan 75,000 oo qof oo shaqeeya 12 saac maalintii iyagoo webiyada kasoo qoda ciid ay ku iibiyaan $15 halkii dooni ee yar oo buuxda.

 

Hadalsame Media