“Qof Inter ah ha uga sheekaynin Juve, haddii kale waan ku tooganayaa!” – Kooxdee taageeraa Kim Jong-un?!!

0
Mr Jim

(Pyongyang) 17 Juun 2018 – Kim Jong Un ayaa la sheegayaa inuu yahay taageere ku dhaarta kooxda Inter Milan ee dalka Talyaaniga, iyadoo uu siyaasiga Talyaaniga ah ee Antonio Razzi uu sheegayo inuu ka gaargaarsado ka hadalka Juventus si buu yiri loo ilaaliyo “nabadda aduunka”.

Warkan ayaa soo baxay kaddib marki la daabacay waraysi uu Tuttosport ka qaaday senatar Razzi, kaasoo uu uga hadlay arrimo badan sida dowladdii uu ka mid ahaa ee Silvio Berlusconi.

“Waxan oo dhami waxay bilowdeen 2011, sanadkii uu Kim aabihii xilka kala wareegayay. Wuxuu wax ka baranayay Bern, Switzerland, wuxuuna iman jirey San Siro si uu u daawado Inter vs Milan?

“Runtii wuu jecel yahay ciyaaraha Talyaaniga isagoo qiimeeya awoodeenna farsamo, wuxuuna taageeraa Inter. Anigu waxaan ahay taageere Juventus, lkn abid kuma soo hadal qaadin, waayo ma doonayo inaan halis geliyo “nabadda adduunka” – ayuu ku kaftamay Razzi oo saaxiib la ah Mr Kim.

“Waxaan sawirtay isagoo igu leh: ‘Anto, Juve ha uga sheekaynin qof Interista ah, haddii kale waan ku tooganayaa!’’ ayuu daba dhigay.

Hadalsame Media