LOOMA DHAMA: Reer Woqooyiga oo ku dhowaad ”wada qaatay” horyaalka Talyaaniga!! (Dheelli Muuqda)

0

(Roma) 17 Juun 2018 – Horyaalka Serie A-da Talyaaniga ee heerka 1-aad ayaa si isasoo tareeysa ay ugu badanayaan kooxaha reer Woqooyiga ihi, kuwaasoo 15 ku leh guud ahaan tirada guud oo 20 ah fasalka soo aaddan ee 2018-19.

20-ka koox ee fasalkan tartami doona ayaa xalay soo dhamaystirmay kaddib markii ay Frosinone kusoo badisay ciyaar kala bax ahayd oo ay la ciyaartay Palermo, taasoo ay 3-2 uga badisay isu gayn ahaan, waxayna ku biiraysaa Empoli iyo Parma oo labaduba reer woqooyi ah oo horay usoo baxay,

Taasoo ka dhigan in 15 ka mid ah kooxaha ka qayb gelaya ay ka imanayaan Tuscania iyo wixii ka sarreeya, maaddaama Roma iyo wixii ka hooseeya loo yaqaanno koonfur.

Gobolka Roma ku taallo ee Lazio waxaa ka imanaya 3 kooxood oo kala ah Frosinone, Roma iyo SS Lazio. Halka gobolka ugu kooxo badani uu yahay Emilia-Romagna oo Serie A ku leh: Sassuolo, SPAL, Bologna iyo Parma.

Lombardia oo ah gobolka ay ka tirsan tahay Milano ayaa ku xiga oo 3 ku leh: Inter, AC Milan iyo Atalanta – halka Piedmonte oo Torino looga taliyo uu leeyahay Juventus iyo Torino.

Kooxda qura ee koonfurta runta ah ka imanaysa (haddii lagu doodo in ay Roma ku taallo bartamaha Talyaaniga oo ay tahay gobollada dhexe) waa SSC Napoli, halka Cagliari ay tahay koox deggan jasiiradda Sardinia.

Serie A 2018-19: Atalanta, Bologna, Cagliari, Chievo, Empoli, Fiorentina, Frosinone, Genoa, Inter, Juventus, Lazio, Milan, Napoli, Parma, Roma, Sampdoria, Sassuolo, SPAL, Torino, Udinese

Hadalsame Media