LA YAAB: Dhul-gariir ka dhacay Mexico City oo lala xiriirinayo goolkii Mexico!

0

(Mexico City) 17 Juun 2018 – Markii uu goolka dhaliyay Lozano oo u saftay Mexico oo 1-0 kaga adeegatey Germany kulan bilowgooda KA2018 oo ay ku dheeleen Moscow ayaa la sheegayaa in arrin la yaab lihi ka dhacday Mexico City oo aad looga dabbaal degayay xilligaas.

Mac-hadka Mexico ugu qaybsan Daraasadaynta Dhulka iyo Hawada Sare ee Institute of Geological and Atmospheric Research ayaa soo werinaya in isla daqiiqaddii 35-aad ee uu goolka dhaliyay Lozano la dareemay dhul gariir heer hoose ah – taasoo sida ay sheegeen lala xiriirin karin dabbaal degyo mar qura ay malaayiin Mexican ah la boodboodeen.


Hadalsame Media