SAWIRRO: Iiraan oo soo dhowaysay kordhinta xabad-joojinta ay gaareen Dowladda Afghanstan & Daalibaan (Wada xaajood toos ah oo dhici kara)

0

(Kabul) 17 Juun 2018 – Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Iiraan, Bahram Qassemi ayaa soo dhoweeyay kordhinta xabad joojintii dowladda Afghanstan iyo kooxda Taliban, iyagoo labada dhinac ugu baaqay in xabad joojinta la ixtiraamo si nabad loogu soo dabbaalo dalkan dagaalladu la degeen.


Madaxwayanaha reer Afghan Md Ashraf Ghani ayaa Sabtigii ku dhawaaqay inay dhankooda ka kordhinayaan xabad joojin todobaad soconaysay oo ay la galeen Taliban, xilligaasoo ay labada dhinac isku raaceen inay colaadda joojiyaan ugu yaraan ilaa xilliga Ciidul Fitriga Islamka oo Jimcihii bilaabatay.

Madaxwayne Ghani ayaa Taliba ka codsaday inay iyaguna kordhiyaan muddada xabad-joojinta oo ku eg maanta oo Axad ah.

Iiraan ayaa dhiirrigelisey tillaabadaasi, iyadoo sheegtay in xabad-joojintaasi ay keeni karto is afgarad ballaaran oo dhexmara labada dhinac si loo bilaabo wada xaajoodyo nabadeed oo dalkaasi kusoo celiya nabaddii uu beri caanka ku ahaa.

Saasoo ay tahay, meel kasta lagama hirgelin xabad-joojintaasi, waloow ay tillaabo fiican tahay, waayo 26 qof ayaa ku geeriyootey kulan ay lahaayeen ciidamada amaanka iyo Taliban oo Sabtidii ka dhacay Nangarhar jeer ay labada dhinac ka wada hadlayeen xabad-joojinta ay gaareen xilliga Ciidul Fitriga, taasoo loo badinayo Daacish.

Afghanstan ayaa ka mid ah meelihii ay ka bilowdeen dagaallo markii hore la sheegay inay reer Galbeed diid yihiin, balse isu rogey kuwo galaaftay nolosha dad badan oo Muslimiin ah, aadna u burburiyay dalal badan oo Muslim ah.

Weerarkii ay 26-ku ku dhinteen Sabtigii oo loo badinayo inay gaysatey Daacish

Hadalsame Media

 

Hadalsame Media