Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu diley Koonfurta Afrika (Magacyada)

0

(Cape Town) 17 Juun 2018 – Wararka Naga Soo Gaarayo xaafada Khaliija Ee magaalada Cape Town aya waxaa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu kala
magacaabi jiray Abdulahi Maxmuud Maxamed oo isla goobtii lgu toogtey ayu ku nafwaayay.

Halka muwaadinka kale dhaawac soo gaarey ugeeriyooday, kaasoo lagu magacaabo Maxamed Ismaciil Cali oo ka mid ahaa ganacsatada sida weyn halkaas looga yaqaano.

Koox burcad ah oo dooneysay in ay dhac u geystaan muwaaadiniintaan ayaa la sheegay in ay ku sugeysay banaanka hore ee goobta ganacsiga oo xilligaa ay damacsanayeen in ay Soo Xareyaan Gari ay wateen sida inoo xaqiijiyay Gudoomiyaha Save Somali Mr Cabdi Calas Guure, waxaana wararka sheegayaan in markii uu soo istaagayba iridka hore ee dukaankiisa lagu dhuftay shan xabadood, taasna ay sababtay inuu midkood oo lagu sheegay magaca Cabdullaahi Topaz uu isla goobta ku geeriyoodo, halka muwaadinka  kale oo aynaan magaciisa helin uu sida la sheegayo dhaawicii u geeriyoodey, waloow uu jiro war taa mugdi yar gelinaya.

Burcada dilka geystay ayaa goobta ka baxsatay, iyadoo ciidamada Police-ka oo halkaasi soo gaaray la sheegay in ay bilaaben baaritaano ku aadan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen cidii ka dambeysay weerarka labadaan Muwadin.

Dilkan ayaa waxaa uu kusoo aadaya xilli wali loo dabaal dagaayo Malintii Labaad ee Cidul Fitriga.

Sanadka cusub ee 2018, tirada Soomaalida lagu dilay dalka South Africa waxaa ay sii marayaan 28 Ganacsade oo Soomaali ah, Hase ahaatee dowladda dalka Koonfur Afrika iyo safaarada Somaaliyed arintaan waxba ka qaban.

Hadalsame Media