Aragtidayda socdaalkii kediska ahaa ee uu Soomaaliya ku yimid Raysal Wasaaraha Itoobiya (Maqaal xiise badan)

0

(Hadalsame) 17 Juun 2018 – Sida la ogyahay waxaa maalintii shalay socdaal ku yimid soomaaliya Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Ahmed taasoo ah booqashadii u horeysay uu ku yimaado Soomaaliya, tan iyo markii xilka loo magacaabay bishii April ee sannadkan.

Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo Mr Abiy Ahmed oo ku kulmay xarunta madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho ayaa markii uu kulankoodu soo dhamaadey ka dib war murtiyeed la soo saarey waxaa qodobadii lagu heshiiyey ka mid ahaa in la hormariyo kaabayaasha dhaqaale sida horumarinta dekadaha iyo waddooyinka muhiimka ah ee isku xira labada dal.

Haddaba hadii aan shaqsiyan aragtideyda ka muwaadin ahaan ka dhiibto sida aan u arko socdaalkaas waxaan aaminsanahay in Itoobiya aysan weligeed daacad ka noqon in ay soomaaliya caawiso in ay lugeyso mooyee xaalka ay haatan wadana waa Indho sarcaad iyo Riwaayad maalin cad ay dhigeyso.

Cidna ma diidana in dawladuhu ay heshiiyaan oo danahoodu ay ka wada hadlaan laakiin Itoobiya qorshaheeda waa ka duwan yahay arimahaas waana dal dhul Soomaaliyeed xoog ku haysta oo gumeysta weligoodna riyadoodu aheyd Soomaaliya gebigeed in ay liqaan oo dhulkooda ku darsadaan iyadoo mudo qarniyo ah ay arintaas ku taamayeen umana suura gelin haatana uma suura geli doonto Insha allah.

Itoobiya ayaa soomaaliya har qabow u jiideysa oo nabad iyo horumar la rabta ama la dooneysa waxa ay ka dhigan tahay ama la mid tahay iyadoo la yiraahdo Yahuuda ayaa Falastiin la dooneysa Dawladnimo,Nabad iyo Horumar waana wax aan soconeyn oo iska maaweelo ah.

Waxaa taariikhda ku cad in madaxdii Itoobiya soo martay dhamaantood ay ka sinaayeen cadaawada ay u qabaan Soomaaliya ninkan haatan Ra’iisal wasaaraha ka ah Itoobiya Mr Mr Abiy Ahmed ee maalintii shalay socdaalka ku yimid Muqdisho isaguna waxba kama duwanaan doono raggii isaga xukunka kaga horeeyay colaada ay soomaali u qabaana waa mid guun ah.

Nin xaaskaaga doonaya gabadhayda hoo kuma qancayo Itoobiya waa sidaas Soomaaliya oo dhan in ay wada qabsato ayey dooneysaa wax ka yarna kuma qancaan soomaaliyana in ay cadawgaas iska dhiciso oo qaranimadoodu ilaashadaan wax ka yar kuma qancayaan.

Soomaalida ayaa tiraahada nin aad taqaan yaa tahay lama yiraahdo, Itoobiya weligeedba qiiq ha isku qariso shacbiga soomaaliyeed waa ka dheregsan yahay dhagartooda joogtada ah.

Ugu dambeyntii qoraalkan aan ku cabirayey aragtideyda la xiriira socdaalka uu soomaaliya ku tagay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya waxaan kusoo qatimayaa xabashidu waxa ay u dig iyo dam leedahay ayaa ah sidii ay u heli laheyd Dhul iyo Dekedo sida ay doonto ay u maamusho iyadoo adeegsanaysa siyaasada ah soomaalida halaga dhigo qabaa’il cadow isu ah oo Itoobiya hoos taga (kilinka 6aad). Alle idinkiise taasi uma suurta geli doonto waana iska difaacayaan ummadda soomaaliyeed shirqool kasta ee loo maleego.

Qeybo ka mid ah gabay uu tiriyey Allaha u naxariistee Abwaan Ibraahim Garle ayaa waxaa Tuducyadadiisa ka mid ah.

Nin ku yiri Masaan nahay mar la qaad Talaabada
La maleysi mooyee yuu Midiidin kaa dhigan
Miro aad leedahay yuu ku Cunin is Moodsiis
Haduu tiisa Maamulo adna taada maaree
Haduu sheegto Maaleey Mur kasii qaraar noqo.

Cabdullaahi Nuur Maxamed (Kolombo)

Hadalsame Media