Itoobiya kama yeeli karno ilko cad iyo adiyad hoose (Qalinkii Xaaji)

0

(Muqdisho) 16 Juun 2018 – Waxaa maanta magaalada Muqdisho yimid Raysal Wasaaraha cusub ee Itoobiya Dr Abiy Ahmed oo ay dad badani ku tilmaamayaan nin isbeddel doon ah, balse dad badan baa arrintaa dood ka qaba.

In erayo falsafadeed lagu wada hadlo kaddibna dhabarka la iska dhibaaxo oo la isu dhoolla caddeeyo iyadoo kaamirada la eegayo waa caqliyadda diblomaasiyadda soo jireenka ah ee duugoowdey, balse micne badan malaha isbeddel buuranna abid ma keenin.

Madaxda Somalia waa ku mahadsan yihiin sida wanaagsan ee ay usoo dhoweeyeen Wasiirka Koowaad ee Itoobiya, waa waajib la isku leeyaay, yeelkeede, waxaa looga baahan yahay inay war cad iyo istaraajiyad ula tagaan dalalka gobolka iyo kuwa caalamkaba, xiriir ku dhisan ixtiraamka madax bannaanida gayi ee Somalia iyo kala faa’iidaysi ku dhisan dan guud iyo faa’iido wadaag, iyadoo aan la is fara-faraynaynin, waa danta dalka Soomaaliya, lkn ma soconayso in dhanna nalooka DHOOLLA-CADDEEYO, dhanna nalaka DHABAR-JEBIYO.

Tusaale ahaan, sanad kasta waxaa go’a biyaha webiga Shabeelle, waxaa sidoo kale biya yareeya midka Jubba, balse weli ma jirto mana arag madaxda Soomaaliya oo arrintaa ka hadlaya, mana muuqato istaraatijiyad Somalia arrintaa uga degsan, waxaan meesha ka marnayn fara-gelinta ay Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha dalka, iyadoo gaartey heer ay saami ku sheegato deked Soomaaliyeed, weliba qaab sharci darro ah, waxaa sidoo kale dalka ka jooga ciidamo AMISOM kusoo galay xoog iyo muruq, lkn dano iyaga u gaar ah fuliya, sida iyaga oo marna qabsada marna ka baxa degmooyin iyo degaanno kala duwan, taasoo aad u wiiqda amaankii ay sheegeen inay Somalia ka caawinayaan.

Haa iskaashi ku dhisan BUDA QABE & BIYO QABE, maya inuu nin wax inta soo qorqorto noo akhriyo annagoon fahmin, qayb ka ahayn, qorshe ku lahayn, oo aan shaxda wax ka diyaarin.

Si taxaddar leh halloo eego wejiga cusub ee Itoobiya inuu runtii yahay weji cusub iyo inuu yahay saan-tirasho iyo sogor-dihid ay ka dambayso lug gooyo iyo dibin-daabyo ka xun middii hore ee neefka la qalayay middiyahana la qarinayay.

Dal kasta wuxuu leeyahay dan qoowmi ah oo waannagii arkaynay sidii uu Siisii u dhaarinayay Dr Abiy, sidaa darteed, waa in ay madaxda Soomaaliyeed arrintaa sida ay u fahmaan uguna dadaalaan.

Qore: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media