”Waxaan doonayaa inaan iska illoowno wixii hore oo aan abuurno gobol nabad ah” – Akhriso khudbaddii Dr Abiy Ahmed oo dhamaystiran

0

(Muqdisho) 16 Juun 2018 – ”Waan imaaday Ciid Mubaarak”. ayuu warkiisa ku bilaabay Dr Ahmed oo adeegsanaya af-Soomaali jajab ah isagoo ka hadlaya shir jaraa’id oo ay madaxtooyada ku wada qabteen isaga iyo madaxwaynaha Soomaaliya Md Farmaajo, wuxuuna daba dhigay; ”Waxaan ka mahad celinayaa qiimaynta iyo xurmada wayn ee aad iigu muujiseen sida aad u qadarinaysaan dalka Itoobiya, waxaan diyaar u ahay inaan furo albaab cusub oo aan iska iloowno wixii hore, ujeedkeennu waa inaan dhalinnaa istaraatijiyad lagu hormarin karo nabadda gobolka Geeska Afrika.


”Soomaaliduna waxay samaysan doonaan dowlad micne badan, waayo Soomaalidu waa dad is leh oo isku sinji ah, Itoobiyana waxay diyaar u tahay inay taa idinku taageerto, waxaan doonaynaa in ay is dhexgalaan dadka gobolka, waxaan doonaynaa ganacsi xor ah oo furan, waana aragti ku salaysan in ay badeecooyinku si xor ah isu dhaafaan, waxaan doonaynaa inaan abuurno amaan dhaqaale oo ay u aayaan ubadkeennu, waxaan doonaynaa inaan la nimaado hal abuur ganacsi oo mira dhal ah.

”Waa inaan iska diidnaa gacan ka hadal iyo rabsho oo aan ka wada shaqaynaa inaan iskaashanno annaga oo is xushmaynayna oo jaal ah, waxaan jeclahay inaan carrabka ku adkeeyo in aan dhaqan gelinno sidii loo abuuri lahaa gobol Geeska Afrika oo nabad ah, Soomaaliya iyo Itoobiya wax badan bay wadaagaan, sida dhiig, dhaqan, diin iyo taariikh qani ah”.

”Waxaan awoodnaa inaan mugdiga iyo faqriga ka wada baxno oo aannu u dhaqaaqno dhanka iskaashiga iyo xiriirka togan, waxaan Soomaaliya u rajaynayaa nabad.”

Hadalsame Media