”Waxaad la kulmaysaan xasuuq aan horay u dhicin” – Daacish oo u dhaaratay KA2018!!

0

(Bariga Dhexe) 15 Juun 2018 – Kooxda argagixisada ah ee ISIS ayaa u hanjabtey Koobka Adduunka dufcaddiisa 2018 oo shalaytoole ka bilowday Ruushka.

 

Muuqaal ah nooca la suureeyo (animated) oo ay kooxdani baahisay ayaa waxaa ka muuqanaya Tuulada Olombikada Sochi oo isu bedeshey goob uu ka dhacay dagaal aan horay loo arag, iyagoo bambooyin hawada kaga soo daadinaya dayuuradaha is wada ee Drone-ka.

“Waa xasuuq aan abid horay loo arag”, ayay ku yiraahdeen muuqaalka.

Hadalsame Media