WAA LA IDIN CIQAABAYAA: Ciyaartooyda Sucuudiga oo lagu ‘ciqaabayo’ ciyaar xumadii shalay + Sawirro

0

(Riyaad) 15 Juun 2018 – Laacibiinta xulka Sucuudiga Carbeed ayaa ciqaab ku mutaysan kara bandhig xumadii ay ka sameeyeen ciyaar-bilowgii KA2018 oo ay Ruushku 5-0 ku dubteen, sida laga soo xigtey madaxa xiriirka dalkaasi Adel Ezzat.

Dalkan dhaca Bariga Dhexe ayay bahda ciyaaraha la socotaa ku tilmaameen xulkii ugu xumaa ee abid soo xaadira Koobka Adduunka, iyadoo ciyaartii shalay lagu tilmaamay musiibo kubadeed.

Waloow aan Sucuudiga looga fadhiyin inuu koobka qaado, misna bandhiggii shalaytoole aad buu uga hooseeyay filashadii hore, waxaana la yaab leh in Ezzat uu farmuuqay ilaa 3 laacib oo ‘ciqaab’ ku mudan kara ciyaar xumadii ceebaysay calanka Sucuudiga.

”Aad baannu uga niyad jabnay guuldarradaas. Dhowr laacib ayaa ‘ciqaab’ wajihi kara sida goolwale Abdullah Al-Mayouf, striker Mohammad Al-Sahlawi iyo defender Omar Hawsawie,’ ayuu Ezzat u sheegay warsidaha Al-Youm Assabaa.

Hadalsame Media