RIKOODHADA RONIE: Ronaldo oo ciyaaraha caalamiga ah ka sameeyay arrin aanu laacib kale ku dhicin + Sawirro

0

(Sochi) 15 Juun 2018Cristiano Ronaldo maba socon karo haddii uusan rikoodh jebin – balse goolkii 3-aad ee uu ka dhaliyay Spain wuxuu ahaa gool iyo bar.

Ronie ayaa markii ay ciyaartu 3 daqiiqo socoteyba rigoore dhaliyay, wuxuuna goolkaasi ka dhigay laacibkii ugu horreeyay ee abid gool ka wada dhaliya 8 koob oo waawayn misna caalami ah. Koob wayn oo caalami ah waa sida Koobka Adduunka ama Koobabka Qaaradeed.

Tan iyo markii uu qoor qooraystay ciyaaraha heerka qaran ee Portugal oo ku beegnayd Euro 2004, Ronaldo wuxuu ugu yaraan gool ka dhalinayay tartan kasta oo caalami ah oo uu kasoo muuqday.

Jookarka reer Portugal ayaa kasoo qayb galay koobabkii adduunka ee 2006, 2010, 2014 iyo 2018 – isagoo sidoo kale noqday laacibkii 4-aad 5-aad ee afartaaba goolal ka wada dhaliya, kaddib Pele, Uwe Seeler, Miroslav Klose iyo Tim Cahill.

Wuxuu dhaliyay dhanka kale dhaliyey seddexleeydii 51-aad ee waayihiisa ciyaareed, waana ninka ugu badan.
Sidoo kale waxaa yaab ah inay tahay seddexleeydii 51-aad ee laga dhaliyo koobka adduunka.

Wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu da’da weynaa ee koob adduun ka dhaliya seddexleey, isagoo jira 33 sano iyo 130 maalmood.

Hadalsame Media