PORTUGAL VS SPAIN 3-3: Inamada Iberia oo ismari waayay + Sawirro

0

(Sochi) 15 Juun 2018Xulalka Portugal iyo Spain ayaa barbarro 6 la iskaga dhaliyay ku kala baxay ciyaar ka dhacday Sochi oo ka tirsan KA2018.

Portugal oo goolka ku hormartay waxaa kubad rigoore ahayd oo qurux badan u saxiixay dhalliyaha wayn ee xulkaasi CR7, balse waxaa ka daba keenay qannaaska Spain ee asal Brazil-ka ah ee Diego Costa, kahor inta aanu kusoo laabanin CR7 oo hoggaanka kusoo celiyay xulkiisa.

Xulka Spain oo cadaadis saaray deriskooda Iberia ayaa laba gool oo xiriir ahaa kala dhaliyay daqiiqadihii 55 iyo 58, kuwaasoo ay kala dhaliyeen Costa iyo Nacho Fernandez, 2-3.

Yeelkeede, xulka Portugal ayaa ka faa’iidaystey hibada kubadeed ee jookarka Ronaldo oo laad xor ah uga faa’iideeyay xulkiisa oo ciyaarta kusoo noqday mar 2 daqiiqo ka harsanayd, 3-3, wuxuuna sidaa ku dhaliyay seddexleeydiisii ugu horreeysey Koobka Adduunka.

Hadalsame Media