Itoobiya & Imaaraadka oo kala saxiixday 7 heshiis! (Lacag aad u badan oo la siinayo)

0

(Adis Ababa) 15 Juun 2018 – Imaaraadka Carabta ayaa $3 bilyan oo doollar u shubeeysa dalka Itoobiya, iyadoo $1 bilyan oo doollar ku shubaysa bankiga dhexe ee Itoobiya oo iminka dhib ku qaba helitaanka lacagta adag, halka $2 bilyan ay ku kharaj garaynayso mashaariic kala duwan.

Heshiisyadan ayaa imanay saacado yar uun kaddib markii uu maanta magaalada Adis Ababa tegey Sheikh Mohammed bin Zayed bin Sultan Al-Nahyan, oo ah dhaxal-sugaha Abu Dhabi, oo halkaa ku jooga booqasho rasmi ah oo laba maalmood ah.

Markii uu kasoo degey Addis Ababa International Airport waxaa halkaa uga hor tegey Wasiirka Koowaad ee Abiy Ahmed, oo gaariga gacantiisa ku wadey una qaaday IT park.

Labada nin ayaa deeto ku kulmay Madaxtooyada Qaranka halkaa oo ay ku kala saxiixdeen 7 heshiis oo isfaham ah oo khuseeynaya dhinacyada dhaqaalaha, dhaqanka, dalxiiska iyo dhanka fiisaha, sida in ay diblomaasiyiintu fiisa la’aan ku galaan Imaaraadka.

RW Ahmed ayaa bil uun kaddib isagu horay u booqday Imaaraadka, wuxuuna sheegay in heshiiskani uu caawinayo dhaqaalaha Itoobiya oo woxoogaa ku hingoodey xasaradihii amni ee dalkaasi ka taagnaa.

Hadalsame Media