”Guriga Ronaldo wuxuu ahaa sidii mehrejaan, waxaa u joogey nafaqeeye, dhakhtar, daliige xirfadle ah iyo kariye” – Ferdinand oo yaabay!!

0

Daafacii hore ee Rio Ferdinand ayaa muujiyay sida uu ula dhacsan yahay saaxiibkiisii hore ee Manchester United ee Cristiano Ronaldo oo ay Old Trafford wada joogeen min 2003 ilaa 2009.

‘Wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee aan arko isagoo shaqaaleeynaya dadka ku takhasusay nafaqaynta, dhakhtar, daliige xirfadle ah iyo kariye,’ ayuu yiri Ferdinand oo yaabban.

‘Gurigiisa ayay kula noolaayeen, inaad gurigiisa tagto waxay ahayd sidii mehrajaan oo kale, waxaad is waydiinaysaa, CAJIIB! Maxaa halkan ka socda?” ayuu raaciyay.

Hadalsame Media