Ronaldo & Messi midkee ka muuqan doona Koobka Adduunka 2018? + Sawirro (Qaybtii 1-aad)

0

(Moscow) 14 Juun 2018 – Ku dhowaad gebi ahaanba waayohooda ciyaareed, Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo waxay hardan iyo coltan adag ugu jireen midkoodii ugu baxnaansan barbaarta kubadda cagta, bishanna waxaa Ruushka ka furmaya KA201 oo ay markii 4-aad ka qayb gelayaan, kaasoo noqon kara koodii ugu dambeeyay.

Labada laacib ayaan se weli midigta ku dhigin Koobka Adduunka oo uu Messi aad ugu dhowaadey dufcaddii middan ka horreeysey, haddaba aynu eegno koodii gacanta sare yeelan kara sanadkan.

Germany 2006

Messi 

Wuxuu ka qayb galay markiisii ugu horreeysey isagoo 18-jir ah, waloow uu boos buuxis uun ku ekaa, isagoo safka hore kasoo muuqday uun mar qura oo ahayd ciyaartii bilaa micnaha ahayd ee Guruub C ee ay Holland la dheeleen, waloow uu waxa ku duugan wax ka muujiyay ciyaartii ay 6-0 ku dubteen Serbia & Montenegro oo uu gool si qurux badan u dhamaystiray daqiiqaddii 88-aad.

Ronaldo

Kaddib ooyintii kaga dhamaatay Euro 2004 final, laacibkan oo xilligaa u dheelayay Manchester United ayaa isna KA ciyaarayay markiisii 1-aad, waxayna xulka Portugal gaareen heerkoodii abid ugu sarreeyay iyagoo nus-dhamaadka gaarey.

Ronaldo hal ciyaar unbuu ku bilowday 4-tii kulan ee ugu horreeyay taasoo ay 2-0 ku dhufteen Iiraan oo uu ka dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay KA – ka hor intaanu ka xiddigaynin guushii ay England ku reebeen Rubuc-dhamaadka.

South Africa 2010 

Messi  

Markan oo uu hantay afar billadood oo xiriir ah oo Ballons D’Or jeer ay Barcelona-dii Pep Guardiola xoog ku haysatey Yurub, Messi wuxuu noqday nin ay sare u eegayso Argentina, yeelkeede, wuxuu noqday jala’ isagoo wax gool ah dhalin waayay, kulankiisii ugu fiicnaana wuxuu ahaa midkii ay 4-1 Group B kaga adkaadeen South Korea oo uu laba gool sallaxay.

Waxaana Argentina markii dambe ihaanaystay inamada Jarmanka oo 4-0 uga eryadey Koobka Aduunka 2010.

Ronaldo

Sanaddii 2010, Ronaldo wuxuu markan joogaa Real welise waa ka fog yahay halyeeyga 4 jeer kooxdaa la hantay Champions Leagues iyo 4-ta kale ee Ballons D’Or intii uu joogey Bernabeu.

Xaqiiqdii, waloow uu Portugal u dheeley ciyaar kasta, Ronaldo alifleey ayuu ka ahaa Koobka Adduunka, kulankii ugu roonaana wuxuu ahaa gool hakuu tooso ah ciyaartii ay 7-0 ku dhufteen North Korea.

7-daa gool oo qura ayuuna xulka Portugal guud ahaanba ka dhaliyay KA201, iyagoo barbarro gool la’aan ah la noqday xulalka Ivory Coast iyo Brazil, waloow ay usoo bexeen wareegga 16-ka, Ronie iyo raggiisa ooyin ayay ugu dhamaatay oo waxaa 1-0 ku dubtey xulka ay ku xafiiltamaan jasiirad u ekaha Iberia ee Spain oo sanadkaa koobka hantay.

La soco qayb 2-aad….

Hadalsame Media