NAMA DUUBI KARTAAN: Israel oo doonaysa inay dembi ka dhigto in la sawiro tacaddiyada ay gaystaan!

0

(Tel Aviv) 14 Juun 2018 – Dowladda Israeli ayaa doonaysa inay meel mariso hindise sharciyeed ay ku doonayso inay dembi qaran ka dhigto in la duubo ama la sawiro ciidamadeeda marka ay howlgallada ku jiraan, iyadoo inta badan la arko iyagoo ku xad-gudbaya Falastiiniyiinta.

Israel Hayom ayaa sheegay in guddoonka xisbiga xag-jirka ah ee Yisrael Beiteinu ee ku jira aqalka Knesset, Robert Ilatov, uu soo hindisey hindise sharciyeedkan, isagoo taageero ka haysta hoggamiyaha xisbigaasi oo misna ah Wasiirka Gaashaandhigga Avigdor Lieberman.

Sharcigan ayaa u dhigan, “Qof kasta oo duuba ama sawira askarta marka ay shaqada ku jiraan, iyadoo uu ujeedku yahay in la niyad jebiyo ama la qashqashaado howshooda, waxaa lagu xukumi doonaa 5 sano oo xarig ah. Haddii sawirka loo qaado in la wiiqo amaanka qaranka, dembiilaha waxaa lagu xukumayaa 10 sano.”

Waxaa intaa dheer, in sharcigani uu mamnuucayo in sawirrada iyo muuqaalladaasi lagu faafiyo baraha bulshada ama warbaahinta caadiga ah.

Xildhibaanka hindisahan keenay ee MP Ilatov ayaa ku dooday in sharcigani uu jawaab u yahay kooxaha bidixda ah ee Israel ee dunida usoo bandhiga tacaddiyada ay ciidamada Yuhuuddu ka gaystaan Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed, wuxuuna yiri:

”Israel waxay muddo dheer wajahaysay dhibaato kaga imanaysay muuqaallo iyo sawirro ay qaadeen ururro cadow ku ah Israel isla markaana Falastiin taageera, sida B’Tselem, Machsom Watch, Breaking the Silence, BDS iyo kuwo kale, oo lacago kasoo qaata dalal leh ajendayaal Yuhuud nacayb ah”.

Hadalsame Media