RASMI: Maraykanka, Canada iyo Mexico oo ku guulaystay qabanqaabada KA26 + Sawirro

0

(Moscow) 13 Juun 2018 – Koobka Adduunka ayaa dib ugu noqonaya qaaradda Woqooyiga Ameerika, balse waa Woqooyigaa oo idil, kaddib markii ay FIFA shaacisay in KA26 lagu qabanayo halkaasi, iyagoo helay codad aqlabiyadeed, waxayna ka badiyeen Marooko oo lagu sheegay inay halis tahay oo aysan agaasimi karin tartankaa oo ay markii ugu horreeysey ka qaybgeli doonaan 48 dal.

 

Koobka ugu xiisaha badan kubadda caalamiga ah ayaa ku noqonaya Maraykanka oo ay ugu dambaysay sanaddii 1994-kii, waxaase isaga oo ay la socdaan Canada iyo Mexico ay heleen 134 cod, halka Marooko ay heshay 65 cod, iyadoo codaynta uu qaaday koongarayska FIFA.

Dhamaanba 3-da dal ee qabanqaabinaya KA26 ayaa lagu wadaa inay si bilaash oo bilaa isreebreeb ah uga qayb galaan KA26, waloow aysan weli arrintaa xaqiijinin FIFA.

Arrintan ayaa ka dhigan, in markale ay xulalku u kala safri doonaan masaafooyin aad u kala fog, iyadoo KA18 uu laftiisu yahay dal aad u ballaaran oo aan ka yareeyn 3-daa dal oo la isku daray.

Garoonka MetLife oo qaada 87,000 oo ku yaalla bannaanka New York ayaa loo hindisay in lagu qabto ciyaarta final-ka ah.

Hadalsame Media