Nin Kacbada barakaysan iskugu diley sabab lala yaabay! + Sawirro

0

(Maka) 13 Juun 2018 – Ilo ku dhow dhow qoyska nin Algerian ah oo isku diley Kacbada kaddib markii uu iska soo tuuray figta ugu sarreeysa Masjidka Wayn ee Xaramka ee Maka ayaa la sheegayaa inuu isu diley sabab la xiriirta hooyadii oo isla Kacbada ku geeriyootey sanaddii 2007.

Dad ku dhow ninkan oo sidoo kale haystay dhalashada Faransiiska, oo ah 23-jir laguna magacaabo Azzouz Boutouba, ahna aabbe dhalay 3 carruur ah ayaa aad u jeclaa hooyadii, isagoo doonayay inuu mar uun Xajka u raaco, waxaa xitaa hadda dhacday in loo diidey dal ku galkii ama fiisihii isagoo 14 jir ahaa, iyadoo hooyadii Xajka ku geeriyootey oo isla Maka lagu aasay, lamase sheegin goorta.

Nin Faransiiska deris ku la ahaa Boutouba, oo lagu magacaabo Meloud ayaa sheegay inuu had iyo good ka sheekayn jirey hooyadii, isagoo ka murugsanaa inay kaligeed dhimatay oo kaligeed lagu aasay Maka, iminkana uu doonayay inuu ku dhinto meesha uu ku yaallo qabriga hooyadii si uu iyada ugu ”dhowaado” sida uu sheegay ninkani.

Hadalsame Media