”Nabad & colaadi ma aha waxa aad u taqaanno ee waa waxa ay reer Galbeedku u yaqaannaan” – Andre Vltchek (Qaybtii 6-aad)

0

(Bariga Dhexe) 13 Juun 2018 Waxa aanan u dulqaadan karin waa munaafaqnimada. Munaafaqnimadu waa sida ”jaakadda rasaasta celisa”, laguma dhaawici karo dood sax ah, waaqiciyad ama tusaalooyin. Munaafaqadda reer Galbeedku inta badan waa ogaal la’aan, balse mara kale waa dan eegasho.

Sidaa darteed, maxaa nabad runa u ah dadyoowga Yurub iyo Maraykanka? Jawaabtu waa sahal: Waa marka ay wax gaarayaan ee ay dhimanayaan ama dhaawacmayaan dadka ugu yar ee reer Galbeed ah. Waa marka khayraadka laga soo dhacay dalalka faqriga ah ee ay soo gumaysteeni uu si aan kala go’ lahayn ugu qulqulayo Yurub iyo Woqooyiga Ameerika.

Qiimehee ku kacaysaa nabad noocan ihi? Inta Afrikaan ah, Laatin Ameerikaan ama Eeshiyaan ah ee maalin kasta ku dhimanaysa qorshahan dunida loo jideeyay, runtii wax micne ah malaha.

Nabadi waa marka aan la qashqashaadin danaha reer Galbeedka, xitaa haddii ay qorshahaa ku dhimanayaan tobannaan milyan oo aan caddaan ahayn.

Nabadi waa marka ay reer Galbeedku, iyagoo aan laga hor imanin, ay xukumi karaan siyaasadda, dhaqaalaha, aydholojiyadda iyo dhaqanka adduunka.

“Dagaal” wuxuu imanayaa marka arrimahaa mucaaradadi ka hor timaaddo. Dagaal waa marka dadka dalalkooda la bililiqaysanayo ay ”maya” dhihi maagaan. Dagaal waa marka ay diidi maagaan in la kufsado, la dhoco, aragtiyo cusub lagu khasbo oo weliba dil loogu daro.

La soco qaybta 7-aad…

Waxaa Qoray; Andre Vltchek oo ah qoraa, film curiye iyo weriye dabagal sameeya oo Maraykan ah.

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji

Waa gabar 3-jir ah oo Ciraaqi ah oo kansar ka besteed ah, balse iyadoo qaxooti ah dawo fiicanna aan heli karin, qaxooti ku ah Kos, Gigiigga © Andre Vltchek

Hadalsame Media