“Xitaa xaajadaydu waa sir qaran” – Mr Kim Jung-un oo suuli gaar ah u soo qaaday kulanka Mr Trump

0

(Singapore) 12 Juun 2018 – Mr Kim ayaa taagan “Xitaa saxaradeyda Kuuriyada Waqooyi ayaa loo qaadi doonaa”

Kulanka taariikhiga ah ee dhexmaraya hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un iyo madaxweynaha Mareykanka Doland Trump waxyaabaha xiisaha gaarka ah u yeelay waxaa ka mid ah labada nin oo safarkooda ay ku gaddaaman yihiin sheekooyin qosol leh.

Kim Jong Un ayaa arrinta aadka loo hadal hayo ee uu la soo shirtagay waxay tahay isagoo horey u sii qaatay Suuli ama Musqul nooca guurguura ah. Inkastoo Mr Kim uu habeenkii seexanayo Hotelka raaxada ee Marina Bay Sands hotel-casino ee halkii habeen lagu jiifto 9 kun oo doolar haddana wuxuu ka biyo diiday in uu adeegsado Musqulaha Hotelka, isagoo arrinkaasi uga gol leh inaan saxaradiisa lagu sameyn baaritaan ku aadan caafimaadkiisa ama DNA-ga.

Dayuurad nooca xamuulka qaada ayaa wadanka Kuuriyada Waqooyi ka soo qaaday Suuliga gaarka ah ee Mr Kim uu adeegsan doono inta uu joogo Singapore, waxaa intaasi u sii dheer baabuur nooca xabaddu aanay karin oo ay ku rakiban yihiin qalab Isgaarsiin casri ah iyo cuntada uu cunayo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi inta uu shirka ka qayb galayo.

Lee Yun Keol, oo mar ahaa unuga gaarka ah ee ilaaliya hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ka gor intii aanu u baxsan Koonfurta Kuuriyada sanadkii 2005, wuxuu u sheegay wargeyska Washington Post in had iyo goor Mr Kim marka uu u sodcaalayo dalka dibadiisa uu horey u sii qaato Musqul u gaar ah, isagoo diiddan in lagu sameeyo baaritaan saxaradiisa.

Kim Jung-Un oo ka walwasan in diyaarada uu raacayo Singapore wuxuu isticmaalay qiddad ah in sadex diyaarad ay isku mar ka soo duulaan Pyongyang, isagoo taas ula dan leh in sirdoonku aanay ogeyn dayuurada uu saaran yahay.

Safarka Mr Kim ee Pyongyang-ilaa-Shanghai oo qaadan lahaa 6 saacadood wuxuu ka doorbiday in uu sii maro Beijing oo ku qaadanaysa 10 saacadood taasi oo loo arkay inay aheyd saan tirasho.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya sheegeen in waxyaabaha qashin saarka ee Suuliga Mr Kim aan looga tagi doonin wadanka Singapore oo loo qaadi doono Kuuriyada Waqooyi.

Wakaladaha Wararka.

Diyaariye: Mowliid Xaaji Cabdi

Hadalsame Media