Xaaladda amniga ee M. Goboleedka Hirshabelle oo laga hadlay.

0

(Muqdisho) 12 Juun 2018 – Waxaa Magaaladda Muqdisho ka socda kulamo iyo is-arag u dhaxeeya Saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul goboleedka Hirshabelle oo ka arrinsaya amniga Goboladda Hiiraan iyo Shabelle dhexe.

 

Madaxwayneha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sida uu fahamsanyahay Warsidaha Hadalsame Media ku sugan Magaaladda Muqdisho iyadoo uu xalay afur iyo casho ah ugu sameeyay guriga uu ka degen yahay Muqdisho qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada qalabka sida kana soo jeeda dowlad goboleedka Hirshabelle.

Mr. Waare ayaa ka dalbaday saraakiishii uu la kulmey in la xoojiyo dagaaladda lagula jira ururka Al-shabaab oo isku xoogeystay dhulka Maamulkiisa.

Kulamadaan ayaa ka dambeeyey kadib markii uu xumaaday ammaanka waddooyinka gaar ahaan inta u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad ee Shabelle dhexe halkaas oo todobaadyaddii la soo dhaafay lagu dilay laba xildhibaan iyo illaaladoodii. Al-shabaab ayaa iyadu sheegtay weerarkaasi.

Hadalsame Media